World News

Random Template

Minggu, 03 Juni 2012

Home » » Halkaan Ka Daawo Sawirada ‘Garoonka Koonis Stadiom oo Maanta la dhigay Cowska Garoomada Aduunyada lagu ciyaaro

Halkaan Ka Daawo Sawirada ‘Garoonka Koonis Stadiom oo Maanta la dhigay Cowska Garoomada Aduunyada lagu ciyaaro

xiriirka Kubbadda Cagta aduunka ee FIFA ayaa Maanta Cowska la dhigo Garoomada Caalamiga waxa ay ugu deeqday Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed taa oo loogu tala galay in la dhigo Garoomada lagu ciyaaro kubada Cagta.

Wasiir dowladaha wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo isboortiga xukuumadda Soomaaliya, xog’hayaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya iyo guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta ayaa maanta ku soo bandhiga Garoonka Stadio Koonis cawska ladhigo garoomada ciyaaraha oo la doonayo in garoonkaasi la dhigo.

Xog’hayaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya C/qani Saciid Carab oo Maanta Saxaafada kula hadlay Garoonka Koonis ayaa aad uga mahad celiyay Xriirka FIFA waxa uuna sheegay in Ciyaaraha Soomaaliya loo baahanyahay in ay la jaanqaadaan kuwa Caalamka iyo isbadalada ka jira aduunka cowskan garoonak Koonis loogu deeqayna uu wax badan tari doono.

Wasiiru dowlaha wasaaradda shaqada shaqaalaha dhalinyaradda iyo isboortiga C/llaahi Sheekh Cali oo isna ka hadlay Garoonka Koonis oo maanta cowskan la dhigayay ayaa baaq u diray Ganacsatada Soomaaliyeed waxa uuna kacodsaday in ay qeyb ka qaataan sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa Garoomada Dalka si dhalinyarada loogu wacyi galiyo.


Share this article :

Posting Komentar